Blockchain

Blockchain waa meesha transaction-ka cryptocurrency lagu kaydiyo, waa uun qaabkii database-ka oo kale.

CRYPTO

Ibrahim M. Omar

6/12/20241 min read

Waa maxay Blockchain?

Blockchain waxay ka kooban tahay laba erey oo kala ah: “block” oo micneheedu yahay afar geesood iyo “chain” oo ah (silsilad). Waa block-yo badan oo silsilado ay isku xiraayaan, blok kastana waxa ku jiro information. Waxaana isku xiraaya cryptography (waa xisaab, Code iyo physics isku jiro).

Blok kaste waxa ku jiro afarwax oo kamid yahay cryptographic hash, waxaana ku jiro timestamp (waqtiga) iyo transaction data(information ku saabsan lacagta la is daafsadey). Waxayna u samaysan yihiin qaab aan lacagahaas isbadal loogu samayn karin, oo lacagtaas lama xadi karo lamana koobiyeen garo, waa buug qeybsan(distributed ledger) oo qoraya lacag kasta oo la is dhaafsanayo.

Bitcoin-ta toban daqiiqo kastaba waxaa la dhammeeya block, tobankaas daqiiqo dhammaan transactions-kii (lacagaha la is dhaafsaday) oo dhami waxay ku kayd samaayaan block-gaas, xitaa haddii kumanaan transaction la is dhaafsaday halkaa block baa lagu kaydinaayaa, dhaqdhaqaaqeeda oo dhamani dibada ayay yaalaan oo waxaad kala socon kartaa website-yo oo ay kamaid yihiin Blockchain, Bitcoin, Polygon, bitaps, iwm.

Si kale haddii aan u dhigno waa in dhammaan lacagihii la is dhaafsaday oo dhan lagu kaydinaayo buug oo la qoraayo, iyada oo aan xogta isticmaalayaasha aan la arki karay oo midkastaa uu wato address u gooni ah oo ka kooban xarfo iyo lambaro.

Ugu dambayn blockchain-tu intaan waa ka ballaarantahay crypt-dana waxay ka tahay qayb kamida meelaha loo isticmaalo, waana tiknoolojiyad aad u ballaaran lana rajaynayo inay mustaqbal habka aan u noolnahay, iyo qaabka ay dowladuhu u shaqeeyaanba ay wax badan ka badalli doonto.