Waa maxay Crypto Currency?
CRYPTO


Crypto Currency waa lacag cusub oo digital(casri) ah taas oo aan si dhab ah loo taaban karin balse dhaqdhaqaaqeeda lagala socon karo shaashadaha kala duwan sida Computers-ka iyo Mobiles.
Crypto Currency waxay isticmaashaa nidaam casri ah oo loo yaqaan Blockchain, waxaana loo isticmaalaa wax walba oo la xiriira maamulka lacagta Crypto.
Sifooyinka Crypto Currency;
1: Blockchain: Waa nidaam isku xiran oo kaydinaya dhammaan wax walba oo la xiriira xogta Crypto Currency, Blockchain-ku wuxuu ka hortagaa in xogtu is beddesho. Blockchain wuxuu ka koobanyahay xirmooyin isku xiran(Blocks) taas oo ka dhigaysa mid aamin ah oo lahubo.
2: Decentralized: Sida caadiga ah lacagaha badi la isticmaalo hadda sida Dollarka, Eurada iyo kuwa lamidka ah waxaa maamula Banks, waxayna marwalba ka fekeraan oo eegan maslaxadda iyo danta lacagtooda, taas baddalkeeda lacagta Crypto Currency ma jirto hay'ad ama bank dhexe oo maamula, dhammaan dadka maalgashanaya waxay xor uyihiin lacagtooda, waxay la bixi karaan goorta ay rabaan, sidoo kale dhaqdhaqaaqooda way la socon karaan iyada oo aanay cidna ku maamulayn.
3: Encryption: Crypto Currency waa aamin, wax walba oo dhexmara Blockchain-ka way dahaaran yihiin oo qarsoonyihiin.
Faa'idooyinka Crypto Currency;
1: Degdegsiimo iyo aaminaad.
2: Waxaa yar feega lagaa qaadayo marka aad lacagta dirayso.
3: Cid kugu maamulaysa majirto oo marka aad rabto ayaad lacag diraysaa, xaddina maleh lacagta aad diri karto.
Caqabadaha iyo khataraha Crypto Currency;
1: Lacaguhu aad ayey isku beddelaan, marna kor ayey u kacaan marna hoos, si aad faa'ido uga samaysana waxay u baahantahay aqoon iyo baadhis badan.
2: Waxaa caqabad ah ku ah dowladaha oo weli si caalami ah layskuguma raacin lacagaha Crypto.
Kusoo biir Telegram-keena oo lasoco dhacdooyinka maalinlaha ah ee ka dhaca suuqa Crypto