Waa maxay Dollar Index (DXY)?
Tusaha Doollarka Mareykanka (USDX, DXY, DX, ama naanaysta, "Dixie") waa index (ama cabbir) qiyaasa qiimaha doollarka Mareykanka marka loo eego dhowr lacagood oo qalaad, kuwaas oo ah lacagaha u waawayn ee ganacsigu ka dhexeeyo Maraykanka.
FOREX


Tusaha Doollarka Mareykanka (USDX, DXY, DX, ama naanaysta, "Dixie") waa index (ama cabbir) qiyaasa qiimaha doollarka Mareykanka marka loo eego dhowr lacagood oo qalaad, kuwaas oo ah lacagaha u waawayn ee ganacsigu ka dhexeeyo Maraykanka.
Tusuhu waxa uu kor u kacaa kolka qiimaha lacagta doollarku siyaaddo ama wanaagsanaato, waxaana uu hoos u dhacaa kolka qiimaha doollarku xumaado ama qiima-dhaco.
DXY waxaa sameeyay sarriflaha caalamiga ah ee Intercontinental Exchange Inc, kaas oo u bixiyay naanaysta ah "US Dollar Index (DXY)."
Tusaha DXY waxay lacaguhu ugu kala culus yihiin sidatan;
Yuuro (EUR), 57.6% ayay ka qaadataa tusamada.
Jabaan (JPY), 13.6% ayay ka tahay tusmada.
Isterliin (GBP), 11.9% ayay ka tahay tumada.
Kanada (CAD), 9.1% ayay ka tahay tumada.
Iswiidhan (SEK), 4.2% ayay ka tahay tumada.
Iswiisarlaan (CHF), 3.6% ayay ka tahay tumada.
Tusmada USDX waxay kolkii u horraysay bilaabatay 1973-dii, markaas oo DXY qiimaheedu ahaa 100.0. Illaa iyo markaa halkii u sarraysay ay DXY gaadhay waxay ahayd 164.0 bishii Febraayo sanaddii 1985kii, halka meeshii u hoosaysayna uu gaadhay bishii Maarij 2008, qiimaha 76.0.
GUNAANAD
Tusmada Doollarka Mareykanka (USDX) waa qiyaas lagu qiyaaso qiimaha dollarka Mareykanka (USD) marka loo eego dambiisha lix lacagood oo saameyn leh, oo ay ku jiraan Euro, Pound, Yen, Dollar Canadian, Korner Swedish, iyo Faran Swiss. Tusmada waxaa la sameeyay 1973-kii, dhammaan bangiyada, maalgashiyada iyo shirkaduhuba way isticmaalaan illaa maanta. DXY waxaa loo isticmaali karaa lasocdka caafimaadka dhaqaalaha Maraykanka Traders-kuna waxay u isticmaali karaan inay ku qiyaasaan isbeddelka qiimaha dollarka