Wararka Forex ee Toddobaadka 22, Luulyo - 26, Luulyo
Usbuucan wararka u waawayn waxaa ka mid ah; warka PMI-da, warka dulsaarka ee Kanada, warka wax-soo-saarka gudaha (GDP) ee Maraykanka iyo tusmada sicir-bararka Core PCE.
FOREX


Usbuucan wararka u waawayn waxaa ka mid ah; warka PMI-da, warka dulsaarka ee Kanada, warka wax-soo-saarka gudaha (GDP) ee Maraykanka iyo tusmada sicir-bararka Core PCE.
Isniin, 22, Luulyo
Maalinta Isniinta waxa u wayn warka New Zealand ee farqiga u dhexeeya alaabta la dhoofiyay iyo kuwa waddankaasi uu la soo degay. Waa war saamaynaya dhaqaalaha GDP-waddankaas. Maalinta Isniinta waa maalin nadiif ah oo warar kale aanay jirin.
Talaado, 23, Luulyo
Maalintan qudheedu ma war badna wararka jita waxaa ka mid ah; warka kalsoonida dhaqaalaha ee shacabka Midowga Yurub (Consumer Confidence).
Waxa kale oo jira warka Iibka Guryaha Hore u jiray ee waddanka Maraykanka oo isna ah war aan saamayn badan lahayn.
Arbaco, 24, Luulyo
Maalintan waa maalin wayn waxaana jira warar waawayn aadna u fara badan waana maalinta PMI-ga waxaana ka mid ah;
PMI ga Ustareeliya ee adeegyada iyo warshadaha, PMI-ga Jabaan ee warshadaha, PMI-ga Midowga Yurub ee adeegyada iyo waeshadaynta, PMI-ga Ingiriiska ee warshadaha iyo adeegyada iyo PMI-ga Maraykanka ee isla warshadaha iyo adeegyada.
Waxa kale oo jira maalintaa Arbacada warka Kanada ee xaddiga Dulsaarka (Intrest Rate) oo la filayo inay dhimaan oo ka dhigaan 4.50% halka uu awal ahaa 4.75%.
Khamiis, 25, Luulyo
Maalintan waxaa u wayn warka Maraykanka ka soo baxaya ee Koritaanka Dhaqaalaha Gudaha (GDP)- Advance GDP q/q oo ah war aad u wayn laguna cabbiro inta dhaqaalaha waddanku koray, inuu kobcayo, in uu hoos u dhac jiro iyo si guud caafimaadka dhaqaalaha waddankaas.
Waxaa la filayaa koritaan dhaqaale oo 1.9% ah rubucii tagay, halka kii ka sii horreeyay uu dhaqaaluhu kobcay 1.4% oo ahayd kobac aad u hooseeya.
Jimce, 26, Luulyo
Maalintan waa maalinta sicir-bararka ayaan dhihi karnaa-- waa maalin uu jiro warka ay Kaydka Fadaraalku FED ay ku go'aan qaataan, kuna cabbiraan sicir-bararla waddanka Maraykanka, waa warka Core PCE Price Index, waxaana la filayaa in sicirka alaabuhu soo qaboobaan.
Ugu dambayn toddobaadkan waa toddobaad muhiim ah oo warka PMI uu aad u muhiim yahay, sidoo kale GDP-ga Maraykan ayaa aad loo daawanayaa iyo Dulsaarka Kanada. Aad isu ilaali, iaku day inaad akhrido wararka aadna u fahamto.